- THE HISTORY OF AFARS (Taariqda uruka)
Afars waa urur aand dowli ahayn oo ay aas-aaseen koox u ololeysa isla markaana abaabusha dadka Afrikaanka ee ku nool Helsinki. Afars waxaa ay ka bilaabatay aas-aaskeeda dhaqdhaqaaqii Black Lives Matter iyo banaanbaxyadii ka dhacay dunida iyo oo dhan xagaagii dhowaa. Inaga oo ka jawaabeyna dilkii foosha xumaan ee loo geystay George Floyd waxaan abaabulnay banaanbaxyo waaweyn oo looga so horjeeda, qaasatan xarumaha saldhigayada booliska ee Helsinki. Dadka ka soo jeeda Afrika waa inuu codkooda ka muuqdaa meelaha lagu go´aaminayo siyaasada wadanka si ay uga hortagaan cunsuriyada, midabtakoorka iyo cadaalad darida, maadama tirada dadka ka soo jeeda Afrika uu sii kordhayo sanadba sanadka ka danbeeya. Waxaa kale oo aanu rumeysanahay in la sii kordhiyo goobaha iyo ururada la dagaalama cunsuriyada iyo in la ciribtiro lana caawiyo dadka ay dhibaatada ka gaartay.
Wadanka Finland dadka madowga ah iyo dadka asalkoodu uu ka soo jeedo Afrika waxay aad ula kulmaan cunsuriyada marka loo eego dadka midabada kale leh. Inta badan goobaha iyo meelaha looga doodo la dagaalanka cunsuriyada lagama qeybgaliyo dadka madowga iyadoo lagu takoorayo midabkooda iyo halka ay ka soo jeedaan asal ahaan. Qaasatan dadka Afrika ee ka soo jeeda inta ka hooseysa Sahara Afrika waa kuwa ugu badan ee la kulma cunsuriyada wadankan. Hadda dadka madow ee Afrika ay bulshadu aqbasho, bulshooyinka kale ee midabada kale leh waa ay ka faa´iidayaan. AFARS waa goob ama meel ay figradaha iyo dhibaatooyinka cunsuriyada ka soo gaartay isku dhaafsada dadka madowga iyo Afrikaanka ku nool Finland. Qof kastana waa ay u furantahay inuu ku soo gudbiyorayigiisa, khibradiisa iyo waaya aragnimadiisa.