Xubinnimada

Xubinnimadu waxay muhiim u tahay koritaanka ururka. Waa xubnaha iyo taageerayaasha hay’adeena horusocota si aan u gaarno baahida dadka aan maalin walba u halgamayno. Hadday tahay ka qaybgal mudaaharaad, isu soo bax, ama mudaharaad, tabarucaad hal saacad ah waqtigaaga mid ka mid ah xafiisyadeena, ama dhacdooyinka, waa adiga adigu kan kaa dhigaya AFARS inay dhaqaaqdo oo ay horumar sameyso, waana ku faraxsanahay xiisahaaga iyo sida aad uga go’antahay dagaalka aan ugu jirno sinnaanta iyo cadaalad.

Xubinimada AFARS iyo sidaad ugu soo biiri kartid uruka (membership)

Xubinimada ururka waa ay u furan tahay dhamaan dadka ka soo jeeda Afrika isla markaana da´doodu ka weyn tahay 18 sano., ama ha ahaadan kuwa haysta dhalashada Finland ama heysta dhalashada wadankooda. Qof kasta waxa uu ugu soo biiri karaa inuu soo buux-buuxiyo foomka xubinimada oo aad u heli karto elektaroonik ama isagoo daabacan. Waxaa kaloo lagaaga baahan yahay inaad iska bixiso ”10€” oo ah lacagta xubinimada ama aad raacdo go´aamada ay soo saaraan gudiga sare ee ururka.

Xubinimada ururada iyo Hay´adaha kale

Urur ama hayad kale oo kaste waa ay ku soo biiri karaan xubinimada AFARS iyagoo soo buuxbuuxinayo foomka xubinimada isla markaana iska bixinayo ”20€” oo ah lacagta xubinimada sanadka. Xubnaha ururka oo dhan waa ay u siman yihiin xuquuqda iyo waajibka taas oo ay ka mid tahay inuu codeyn karo loona dooran karo gudiga sare ee ururka iyo maamulada xafiiska ururka. Xubnaha ururka oo dhan waxay ka qeybqaadan karaan sida loo horumarin lahaa howlaha iyo aragtiyada ururka iyadoo la raacayo xeerarka iyo dastuurka u qoran ururka.

To request membership, please click here!